Tuesday, September 30, 2014

10 Cunto oo aad isticmaali karto maalin kasta si aad u hesho maqaar caafimaad qaba


Weli ma isku dayday inaad isticmaasho waxyaabo loo adeegsado qurxinta maqaarkaada oo misna kharash badan aad ku bixisay? Iminka waa waqtigi ugu fiicnaa oo aad joojin laheyd waxyaabahaas aan waxtarka laheyn waxyeello mooyee, aadna bilaabi laheyd cunto aad qaadaneyso maqaarkaadana siinaya qurux iyo fayaabi.

1.      Barbarooniga guduudan: waxaa la isticmaala isagoo karsan iyo isagoon karsaneyn labadaba, waxa uuna sitaa in ka badan 100% baahidaada maalmeed ee fatamiin C. Sidoo kale waxaa ku jira xaddi badan oo fiber ka cuntada ku jira iyo fatamiinB6. Sidoo kale waxa uu qani ku yahay maadada carotinoid oo ka hortagta maqaarka inuu duuduub sameeyo isla markaana siyaadiyo wareegga dhiigga uu maqaarka ku imaanayo, taasoo dhalineysa in maqaarku u yeesho muuqaal dhalinyaronimo. Carotinoid ka ku jira awgii, barbarooniga cas waxa uu la dagaalamaa finanka wejiga ka so baxa ee loo yaqaan fin barbaarka. Barbarooniga cas waxaa ku jira fiber qofka cunaa uu dareemayo dhereg muddo isagoo helaya kaloris yar.

2.      Shukulatada madow: shukulaatada madow waxa ay qani ka tahay antioxidants iyo fatty acids oo xoojiya korriinshaha maqaarka. Antioxidants ka ku jira shukulaatada madow waxa uu hoos u dhigaa qalleylka maqaarka kana hortagaa inay waxyeeleyso qorraxda. Sidoo kale cocoa oo inta badan lagu daro shukulaatada waxa uu dabciyaa xididada dhiigga isla markaana siyaadiyaa wareegga dhiigga taasoo keeneysa maqaar fayaaw. Haddaba haddii aad iibsaneyso shukulaatada madow iibso mid ay ku jirto cocoa ugu yaraan 80%  si aad uga fogaato kuwa lagu daro caanaha iyo sokorta.

3.      Kalluunka Salmon: waa cunto aad ugu fiican la dagaallanka welwelka, cabsida, isku buuqa iyo walaahowga, waxa uuna jirkaada siinayaa inta badan baahida fatamiin D. Sidoo kale waxa uu ka hortagaa kansarka mindhicirrada waaweyn ku dhaca, cudurrada wadnaha iyo lafaha. Salmon waxaa ka buuxa dufanka nooca loo yaqaan Omega-3 oo aad ugu fiican la dagaallanka maqaarka duuduubma (miinta), fin barbaarka iyo xanuunka maqaarka. Cunitaanka salmon waxa uu madaxaada ka dhigayaa mid nafaqeysan waxa uuna xoojiyaa fayaabida timaha.

4.      Saliid qumbaha: waxa ay ka mid tahay ilaha ugu qanisan ee laga heli karo saliidaha nooca saturated oils loo yaqaan. Waxaa ku jira Lauric acid oo la dagaalama bakteeriyada iyo feyruusaadkaba. Sidoo kale saliid qumbaha waxa uu qani ka yahay fatty acids ka asaasiga ah iyo fatamiin E, kuwaasoo si heer sare ah uga dhiga maqaarka mid jilcan oo aan duuduub laheyn. Intaa waxaa dheer waxay aad ugu fiicantahay qanjirka thyroid ka la dhaho ee dhuunta ku yaal, isla markaana waxa ay caawineysaa hoos udhigidda miisaanka.

5.      Shaaha cagaaran: waxa uu leeyahay antioxidants iyo amino acid loo yaqaan L-theanine oo dabciya jirka islamarkaana yareeya welwelka. Marka uu kululyahay shaaha waxa uu sii daayaa catechins oo ah nooc ka mid ah antioxidants kaasoo la caddeeyay inuu ka hortago kansarka. Sidoo kale shaaha cagaaran waxa uu yareeyaa halista in qofka dhiig kar ku dhaco.

6.      Koostada: waxa ay leedahay nafaqo badan oo aad ubaahantahay maalin kasta, waxa ayna ufiicantahay caafimaadka. Waxaa laga yaabaa inaadan jecleyn laakiin waa il muhiim ah oo laga helo feero, folic acid, fatamiin E, Magnesium, fatamiin A, fiber, protein iyo fatamiin C. Awoodda antioxidants ka ku jira awgood fatamiin C, E iyo A waxa ay si gaar ah u anfacayaan maqaarkaada. Koostada waxaa ku jira antioxidants la dagaallama dhammaan noocyada kala duwan ee waxyeellada maqaarka ku dhaca. Markaad cunto koosto waxaad nadiifineysaa maqaarkaada adigoo kasoo bilaabaya gudaha.

7.      Miraha: waxaa ka mid ah miraha qaraha, gabbaldayaha, bocorka, barbarooniga iwm dhammaantood waxa ay aad u anfacayaan maqaarkaada. Gabbaldayaha mirahiisa waxaa ku jira selenium, fatamiin E, magnesium iyo protien. Selenium iyo protien ka waxa ay ka hortagayaan maqaarka inuu laablaab sameeyo ama miin yeesho. Fatamiin E waxa uu ka hortagaa in maqaarku qallalo, halka magnesium ka uu hoos u dhigo stress ka. Miraha kale sida flax, chia iyo hemp seeds waxaa ku jira omega-3, waxayna la dagaalamaan miinta iyo fin barbaarka, waxa ayna qani ku yihiin proteins..

8.      Saladada ama ansalaatada: inteena badan waxba uma aragno saladada, balse waxaa ku jira fatamiin K. Sidoo kale waxa ay ka koobantahay macdanta uu ka mid yahay sodium, potassium iyo biyo, waxayna ka hortagtaa inuu jirku qallalo. Isku day inaad saladada isticmaasho maalin kasta ama ugu yaraan maalin dhaaf, haddii aad ka baqeyso calories, saladadu aad bay ugu yartahay calories ka.

9.      Babaay: waa qudaar cajiib ah, waxa uu leeyahay faa’iidooyin nafaqeed oo aad u badan. Waxaa aad ugu yar calories (39 calories 100 ki garaamba) mana lahan wax kolistarool ah. Sidaa awgeed haddaad dooneyso inaad miisaanka dhinto babaayga cun maalin kasta. Sidoo kale waxaa ku yar sokorta nooca fructose la yiraahdo, waxa uuna aad ugu fiicanyahay dheefshiidka. Antioxidants laga helo waxaa ka mid ah: fatamiin C iyo E, beta-carotene.

10.  Karooto: karootada faa’iidadeeda kuma koobna uun indhaha, balse sidoo kale maqaarkana waxbay u tartaa. Waxay si gaar ah ugu fiicantahay in maqaarku iska nadiifiyo burburka iyo unugyada dhintay, waxa ay leedahay fatamiin A waxa ayna ka hortagtaa in unugyo siyaado ah ka sameysmaan dabaqadda sare ee maqaarka. Faa’iidada kale waxaa ka mid ah fatamiin A waxa uu yareeyaa unugyada kansarka.

Cuntooyinkan dhan ma cuni kartid maalin kasta, lkn qaar ka mid ah isku day inaad isticmaasho. Isku day inaad ka fogaato cuntooyinka aan dheeli tirneyn, sokorta badan, dufanka miiran ah ama waxyaabaha warshadaha lagu sameeyo si aad u hesho jir fayaw iyo maqaar caafimaad qabo.

                                                                                                      Bahnano Diagnostic Center

Sunday, September 28, 2014

Maxaad ka taqaanaa cudurka Ebola?

Ebola waxa uu ka mid yahay koox cudurro ah oo la isku yiraahdo viral hemorrhagic fevers, waa xanuunno aad u daran oo sida magacooda ka muuqato waa xanuun keena qandho iyo dhiigbax. Ebola waa dilaa ku dhaca aadanaha iyo noolayaasha kale sida daanyeerrada.
Ebola waxaa keena jeermiska feyruuska qolada Filoviridae la yiraahdo, waxa uuna kaga sii abtirsada nooca loo yaqaan Ebolavirus. Marka uu xanuunku dhaco waxa uu ku billowdaa calaamado kedis ku yimaada.
Marki ugu horreysay feyruuskan waxaa laga helay dalka manta loo yaqaan DRC (Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Kongo) 1976 meel ku dhow webiga Ebola. Wixi markaa ka dambeeyane dhowr jeer ayuu saf mar ahaan u dillaacay.
Jeermiska Ebolavirus waxaa ilaa haatan la yaqaanaa shan nooc oo afar ka mid ahi dhalin karto cudur aadanaha ku dhaca, waxa ayna kala yihiin: Ebola virus (Zaire ebolavirus); Sudan virus (Sudan ebolavirus); Taï Forest virus (Taï Forest ebolavirus, oo horay loogu yaqaanay Côte d’Ivoire ebolavirus); iyo Bundibugyo virus (Bundibugyo ebolavirus). Nooca shanaad oo aan aadanaha cudur ku keenin waxaa lagu magacaabaa Reston virus (Reston ebolavirus) waxa uuna ku dhacaa xayawaannada aan aadanaha aheyn.
Noolaha dugga u ah asal ahaan ebolavirus lama garanayo ilaa haatan. Balse caddeymo la hayo iyo dabeecadda feyruusyada la midka ah awgood ayaa cilmibaarayaashu waxa ay rumeysanyihiin in feyruuskani ka mid yahay kuwa loo yaqaan zoonotic (xayawaannada kayimmada), iyadoo fiidmeerta (kibilli) ay tahay halka ugu badan ee hoyga u ah feyruuska. Afar ka mid ah shanta nooc ee ebolavirus waxa ay ku dhacaan xayawaanno laga helo afrika.
Nooca kale Reston virus waxaa lagu arkay daanyeerro loo dhoofiyay mareykanka iyo taliyaaniga lagana keenay dalka filibiines. Shaqaale dhowr ah oo ka shaqeynayay goobaha lagu hayay daanyeerradaas ee filibiines iyo mareykanka ayaa jirkooda laga helay feyruuska balse ma aaney jirranin.
Safmarkan iminka dillaacay waxa uu saameyn weyn ku yeeshay seddex dal oo galbeedka afrika ku yaal oo kala ah: Leybeeriya, Geni iyo Siiraalyoon, iyadoo iminka uu ku faafayo dalal kale oo deris la ah sida Neyjeeriya
Calaamadaha ebolavirus:

1.      Qandho
2.      Madax xanuun
3.      Murqo iyo kalagoysyo xanuun
4.      Tabar darri
5.      Shuban
6.      Matag
7.      Calool xanuun
8.      Rabitaanka cuntada oo yaraata
9.      Dhiigbax aan caadi aheyn
Calaamadahan waxa ay soo bixi karaan xilli kasta laga billaabo maalinta 2aad ilaa maalinta 21aad marka qofka jirkiisa uu galo ebolavirus, waxayse ubadantahay maalinta 8aad ilaa 10aad.
Calaamado kale: dadka qaar waxaa laga yaabaa in lagu arko calaamado dheeri ah sida: ciir jirka ka soo baxo, indhaha oo casaada, hingo ama hiqlo, qufac, feera xanuun, naqaska oo ku xirma, laqmada oo culeys ku yimaado
Habka isugudbinta ebolavirus:
Waxaa la isugu gudbin karaa in jirkaada ay soo gaaraan dareerayaasha ama dheecaannada ka imaanaya jirka qofka qaba xanuunkan sida; dhiiggiisa iyo dareere kasta oo jirkiisa ka soo baxa, ama wax ay gaareen dareerayaashaas sida irbadaha iwm.
Sidaa awgeed ebola virus waxaa la isugu gubinkaraa: galmada, dhiddka, dhareerka, dheecaannada ama dareerayaashajirka ka yimaada oo dhan, shaqaalaha caafimaadka waxa ay halis ugu jiraan cudurkan haddii aaney qaadanin qalabka difaaca loogu talagalay (personal protective equipment), si gaar ah kuwa ka shaqeynaya sheybaarrada ee ku dhexjira dhiigagga, dheecaannada iyo haraaga jirka aadanaha ee ay baaritaannada ku hayaan kana timid dadka qaba xanuunkan.
Ebola kuma gudbo hawada (sida hargabka), biyaha iyo cunnada, sidoo kale qofka ma gudbinayo ilaa calaamadaha cudurka lagu arko.
Habka loo maareeyo dadka uu ku dhaco cudurkan:
Ilaa hadda ma jirto dawo lagu daweeyo ebolavirus ama tallaal lagaga hortagi karo oo la aqoonsanyahay, waxaase jira dawooyin cusub oo aan aadanaha lagu tijaabin islamarkaana aan rukhsad ka helin ururka caafimaadka adduunka kuwaasoo iminka lagu tijaabinayo dhowr qof oo cudurkan lagu arkay oo ay ka mid yihiin dhakhaatiir. Balse si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan waxa ugu muhiimsan waa in la karaantiilo qof kasta oo laga helo calaamadaha cudurkan.
Maxaa looga baahanyahay isbitaallada haddii ay arkaan qof ay ka shakiyaan?
Si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan dilaaga ah, shaqaalaha caafimaadka waxaa looga baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah haddii ay arkaan qof lagaga shakisanyahay ebolavirus:
1.      Qof qaba qandho heer kulkeedu ka sareeyo 38.6 degrees Celsius ama 101.5 degrees Fahrenheit, iyo calaamadaha kale ee kor ku xusnaa. Iyo
2.      In qofkani la kulmay halista cudurka wax dhalin kara 3 di usbuuc ee ugu dambeysay, sida:
a.       Inuu xiriir la sameeyay dhiig ama dareere ka yimid jirka qof qabay cudurkan ama lagaga shakisnaa,
b.      Inuu deggenaa ama u safray goob uu ka dillaacay cudurkan
c.       Inuu xanaanneeyo fiidmeerta, daanyeerta iyo xayawaanno kale oo hooy u noqon kara jeermiska ebolavirus oo laga keenay goobaha uu cudurkan ku faafayo.
Haddii shaqaalaha caafimaadka arkaan bukaan qaba ama lagaga shakiyay ebolavirus waxaa looga baahanyahay inay raacaan talooyinka soo socda:
1.      Bukaanka karaantiil: bukaanka waxaa la gelinayaa qol keligiis ah oo leh suuli ugaara oo aney cidi la isticmaaleyn, albaabkiisana wuu xirnaanayaa.
2.      Xirashada qalabka difaaca: shaqaalaha caafimaadka ee bukaankaas siinaya adeegga caafimaad waa inuu xirtaa: gloves, dharka qoyaanka iska celiya ama aanu ka gudbi Karin, muraayadaha indhaha difaaca ama koofida wadata muraayadda wejiga daboosha, iyo mask. Qalab difaac oo dheeri ah  (gloves laba jibbaar ah, kabaha oo lagu xirto dabool hal mar la isticmaalo iyo lugaha oo la qariyo) ayaa loo baahan karaa duruufo gooniya, sida marka ay dhulka amadegaanka ka jiraan matag badan, saxaro, dhiig badan iwm.
3.      Booqashada ka jooji: bukaanka qolkiisa waxaa laga xayirayaa booqashada ama in loo galo, marka laga reebo dadka uu aadka ugu baahanyahay, iyadoo la marinayo wixi taxaddar uu ubaahanyahay, sidoo kale buug ayaa lagu qorayaa qof kasta oo galay qolka bukaanka, waxaana la barayaa calaamadaha lagu arko, si mar walbo looga feejignaado inuu cudurka faafo.
4.      Ilaalinta nadaafadda: xakameynta cudurkan waxaa qeyb weyn ka qaadan kara xoojinta ilaalinta nadaafadda iyo taxaddarka qalabka iyo magaadda laga shakisanyahay inay gaareen wasakhda, sida; dhiig, dhidid, matag, saxaro, kaadi, iyo dareere kasta oo bukaanka ka yimaada ama lagaga shakin karo inuu gaaray iyadoo la raacayo xeerka nadaafadda isbitaallada.

Waxaa diyaariyay: Dr. C/qaadir Insi, MD