Qeybta 3aad:
Caanaha hooyda iyo caanaha warshadeysan ama xoolaha
Caanaha naaska waxaa ku jira in ku dhow 1000 walxood oo dhammaantood faa'iido u
leh ilmaha yar, marka la barbardhigo caanaha xoolaha ama warshadeysan oo aaney
ku jirin marka laga reebo walxo yar.
Borotiinnada iyo amayno aasidhka:-
Caanaha hooyada waxaa ku jira borotiinnada uu aad ugu baahanyahay ilmuhu, halka
kuwa lo'da ay ku jiraan borotiinno aan shaqo ku lahayn iyo kuwo xasaasiyad ku
keena ilmaha. Intaa waxaa sii dheer, borotiinnada ku jira caanaha hooyada waa
kuwo uu si fudud u shiidi karo dheefshiidka ilamah yar inkayar 15 daqiiqo, halka
kuwa caanaha lo'da ay yihiin kuwo aaney shiidi karin dheefshiidka carruurta,
una baahan inkabadan saacad, taasoo fursad siinaysa in qaarkood ay gaaraan
mindhicirrada ka hor inta aan la shiidin, isla markaana sababa xasaasiyad ku
beeranta ilmaha yar.
Caanaha hooyada waxaa ku yar amayno aasidhka la yiraahdo phenyl alanine, halka
caanaha lo'dana ay qani ka yihiin amayno aasidhkaas, sidaa daraadeed waxaa jira
cudur dhaxal ah oo la yiraahdo phenylketonuria, carruurta qabta xanuunkan waxa
ay waxyeelo daran kala soo gudboonaataa caanaha lo'da, maadaama amayno
aasidhkan uu ku badanyahay, balse wax dhib ah kalama kulmaan marka naaska la
nuujiyo.
Sidoo kale caanaha naaska waxaa ku jira xaddi badan oo cysteine:methionine kana
badan inta ku jirta caanaha lo'da. Maskaxda ilmaha yarna waxaa ku yar insaymka
la yiraahdo cystathionase oo methionine ubedela cysteine, waana maaddada
(cysteine) muhiimka u ah korriinshaha maskaxda carruurta, ahna isha ugu weyn ee
laga helo taurine.
Sokorta:-
Xaddiga Sokorta caanaha ee lactose la yiraahdo kuna jirta caanaha hooyada waa
7%, halka caanaha lo'da ay ku jiraan 4.7%. Lactose ka waxa uu ka koobanyahay
(glucose + glactose), sidaa awgeedna xaddiga sokorta lactose ee aadka ugu
sareeya caanaha naaska waxa ay lagama maarmaan uyihiin sameysanka iyo
korriinshaha maskaxda carruurta, gaar ahaan bilaha ugu horreeya noloshooda.
Dhanka kale caanaha naaska hooyada waxa ay qani ka yihiin Sokorta nooca
silsiladdiisa gaabantahay ee loo yaqaan oligosaccharides oo lagama maarmaan u
ah korriinshaha maskaxda ilmaha mar dhaw dhashay, halka inta badan caanaha la
warshadeeyay aaney lahayn sokortaas.
Aasidh dufaneedka (fatty acids):-
Kolistaroolka waxa uu ka mid yahay dufanaha muhiimka u ah korriinshaha
maskaxda, sameynta nudaha Dareen wadka iyo dheecaanka xameetiga ku jira.
Caanaha warshadaysan waxaa ku jira xaddi dhan 1-2 mg/100cm2, halka naaska
hooyada ay ku jiraan xaddi dhan 7-47mg/100cm2.
Caanaha naaska hooyada waa isha ugu weyn ee laga helo dufanaha arachidonic acid
(AA) iyo docosahexaenoic acid (DHA), labada sano ee ugu horreeya, waayo jirka
carruurta ma soo saari karo labadan maado ee muhiimka u ah korriinshaha
maskaxdooda.
Macdanta iyo Faytamiinnada:-
Caanaha hooyada waxaa ku jira Macdanta uu ubaahanyahay ilmaha, xaddi munaasib
ah oo dheeli tiran, jirkooduna si fudud ushiidi karo. Halka caanaha lo'da ay ku
jiraan xaddi fara badan oo faa'iido lahayn, dhib iyo daalna ku keena kilyaha
ilmaha yar.
Caanaha naaska waxaa ku jira Macdanta la yiraahdo bir ama (iron) xaddi dhan
1mg/litre, waana xaddi si dhammeystiran unuugi karo jirka ilmaha, halka caanaha
lo'da ay ku jiraan xaddi dhan 12mg/litre. Badnaashahaasna waxay keentaa
waxyeello jirka gaarta.Caanaha naaska waxaa ku jirta maaddo la yiraahdo
lactoferrin oo fududeysa in jirku nuugo birta 50-70%, taasoo ka dhigta ilmaha
naaska hooyada nuuga kuwa ay yartahay inay ku dhacdo dhiigyarida. Intaa
waxaa sii dheer, caanaha naaska waxaa ku jira in kabadan 15 curiye, insaymyo
iyo faytamiinis badan iyo in kabadan 15 hormuun.
Ka hortagga bakteeriyada iyo jeermis dhaliyaasha:-
Caanaha naaska waxaa ku jira xaddi fara badan oo ah lysozyme, oo muhiim u ah ka
hortaga bakteeriyda cudurrada dhalisa ee dheefshiidka, waxaana ku jira xaddi 30
jeer ka badan inta ku jirta caanaha lo'da, waxaa kale oo caanaha naaska ku jira
bakteeriyada faa'iidada leh ee la yiraahdo Lactobacillaceae oo ka hortagta inay
ku badato dhefshiidka bakteeriyada nooca loo yaqaan (gram +ve) xaddi kabadan 10
jeer inta ku jirta caanaha lo'da.
Mugga qanjidhka loo yaqaan thymus galand ee carruurta naaska hooyada la nuujiyo
waxa uu dhanyahay labalaabka kuwa aan naaska la nuujin. Qanjidhkan waa mid dowr
weyn ka cayaara difaaca jirka.
La soco Qeybta 4aad
Bahnano Diagnostic Center
Blogger team
No comments:
Post a Comment