Tuesday, November 4, 2014

Muhiimadda Naas Nuujinta

Qeybta 2aad:
Faa'iidooyinka caanaha hooyadu uleeyihiin carruurta
1.Korriinshaha garaadka:-
Daraasad lagu sameeyay dalka Mareykanka ayaa muujinaysa in xiriir adag ka dhexeeyo garaadka ilmaha/ kartidiisa wax garasho iyo Muddada uu naaska hooyadiis nuugayay. Carruurta nuugayay naaska 18 bilood iyo ka badan waxa ay dhigeen iskoor 6-8 dhibcood ka sareeya kuwa la siiyay caanaha la warshadeeyay marki laga qaaday cabbirka garaadka ee loo yaqaan IQ.
Waxaa kale oo jira daraasado taageeraya arrintan oo lagu sameeyay dalalka Denmark, New Zealand iyo UK.
2.Difaaca jirka:-
Caanaha naaska hooyada waxay uga soocanyihiin kuwa xoolaha iyo kuwa la warshadeeyayba inay yihiin daawo iyo cunto. Dambarka oo ah caanaha ugu horreeya ee ka yimaada naaska hooyada, socdana 3da maalmood ee ugu horreeya ilaa usbuuca kowaad waxa ay muhiim uyihiin nolosha ilmaha iyo difaaciisa ka hortaga cudurrada, waxaa ku jira walxaha difaaca ee looyaqaan globulins gaar ahaan (IgA, IgG), oo lagama maarmaan u ah ka hortagga noocyada bakteeriyada, qaar ka mid ah fayrasyada sida kan keena sinyarada ama dabeesha ee loo yaqaan (polio), kan keena jadeecada iyo kan keena qaaman bararka (qaamow qashiir) ama (mumps), waxaa kale oo ay ka hortagaan xanuunnada ku dhaca sanka, dhegaha, hunguriga iyo dheefshiidka.
Waxaa kale oo intaa sii dheer caanaha hooyada waxaa ku jira borotiinnada difaaca jirka ee loo yaqaan interferon lana dagaalama fayrasyada, laaktoferrin iyo laysosaym, qaar ka mid ah walxaha loo yaqaan complements iyo tiro fara badan oo ah unugyada cad cad ee dhiigga. Hal qaaddo (mulqacad yar) oo caanaha hooyada ah waxaa ku jira ilaa 3 milyan oo unugyada difaaca jirka ah, halka caanaha la warshadeeyay aaney ku jirin wax unugyada iyo borotiinnada difaaca jirka ah.
Waxaa intaa sii dheer, in carruurta aan naaska la nuujin ee la siiyo caanaha caadiga ah ama kuwa la warshadeeyay ay aad uliidato la qabsigooda tallaalka carruurta, kana hooseyso kuwa naaska la nuujiyo ilaa 500 jeer.
3. Infekshinada:-
Unugyada difaaca jirka waxa ay ka hortagaan noocyo fara badan oo bakteeriya ah sida: Cholera vibrio oo sababta daacuunka, E. coli, Shigella, Salmonella, iyo qaar ka mid ah fayrasyada sida: Coxaki-B viruses, Herpes simplex iyo Polio virus.
Cudurrada kale ee ku badan carruurta aan naaska hooyadood la nuujin waxaa ka mid ah; cudurrada neef mareenka iyo Kuwa dheef shiidka sida shubanka.
4. Buurnaashaha:-
Daraasaduhu waxa ay muujinayaan in buurnaashaha ay ku badantahay carruurta aan la nuujin naaska hooyada ee la siiyo caanaha lo'da ama kuwa la warshadeeyay, kuwa naaska la nuujiyo waqti dheerna ay ku yartahay buurnaashaha.
Naas nuujinta waxa ay hoos udhigtaa buurnaashaha xad dhaafka ah ee carruurta da'doodu udhexeyso 39 ilaa 42 bilood, habka ka hortaga buurnaanta ee naas nuujintana waxa uu sii kordhaa markasta oo uu sii dheeraado waqtiga naas nuujinta.
5. Cudurrada xasaasiyada ama cuncunka:-
Daraasadaha waxay caddaynayaan in carruurta la siiyo caanaha lo'da ama kuwa la warshadeeyay ay ku badantahay xasaasiyada noocyadeeda kala duwan, Tusaale ahaan; xasaasiyada dheefshiidka 50-60%, neef mareenka 30%, cuncunka maqaarka 70%, taana waxaa ugu wacan borotiinada ku jira caanaha lo'da oo aaney xamili karin carruurta dhaliyana tiro badan oo xasaasiyada ah.
6. Kaadi macaan:-
Naas nuujinta dabiiciga ah (gaarka ah) waxa ay ka hortagtaa kaadi macaanka (nooca 1aad) ee caadiyan ku dhaca carruurta da'da yar, waxa ayna hoos udhigtaa xaddi dhan 25- 50%, sababtuna waxa weeyaan borotiinnada ku jira caanaha lo'da waxa ay dhiiri geliyaan difaaca jirka inuu weeraro ganaca isla markaana bur buriyo.
Waxaa kale oo la ogaaday in naas nuujinta qeyb ahaan ka hortagto Kaadi macaanka nooca 2aad, sababtoo ah raadka ay ku leedahay Buurnaashaha carruurta.
7. Cudurro kale:-
Naas nuujinta caadiga ah waxa ay ka hortagtaa cudurro kale oo aan ahayn kuwa kor ku qoran, sida cudurka loo yaqaan (celiac disease), shubanka, lafa jileec, maskax garaadka, kansarrada qaar, xanuunnada kaadi mareenka iyo kuwo kale.
8. Dareenka nafsiyadeed ee ilmaha yar:-
Daraasaduhu waxa ay caddeeyeen in naas nuujinta dabiiciga ah iyo laab ku qabashada ilmaha ay door weyn ka cayaarto korriinshahooda iyo kalsoonida nafsadeed, saameynna ku yeelato dhaqanka ilmaha mustaqbalka. Waxaa kale oo ay daraasadu isla xariirisay falalka dambiyadeed ee dhalinyaranimada iyo naas nuujin la'aanta carruurta.

La soco Qeybta 3aad
                                                                                                       Bahnano Diagnostic Center
                                                                                                               Blogger team

No comments:

Post a Comment