Qeybta 4aad:
Miisaanka u kordhaya carruurta naaska nuugta:-
Ilmaha naaska la nuujiyo
caadiyan waxaa u kordha miisaan, waxaana ku soo koobayaa sidan:-
0–4 bilood: 170 garaam todobaadkiiba
4–6 bilood: 113–142 garaam todobaadkiiba
6–12 bilood: 57–113 garaam todobaadkiiba
Celcelis ahaan carruurta naaska la nuujiyo miisaankoodu wuu laba jibbaarmaa
marka ay gaaraan 5-6 bilood. Marka ay sanad gaaraane waxa uu gaaraa 2.5 jibbaar
miisaanki ay ku dhasheen. Muuqaal ahaan carruurta naaska la nuujiyo marka ay
sanad gaaraan way ka dhisma qurxanyihiin kuwa caanaha la siiyo.
Naas nuujinta gaarka ah:-
Naasnuujinta gaarka ah waxaa loola jeedaa in ilmuhu nuugo caanaha naaska oo
qura iyadoo loo raacin waxyaabo kale (sida biyo, casiir, caano kale oo aan
naaska ahayn, iyo cunto nooc kasta oo ay ahaataba 6da bilood ee ugu horreysa
noloshooda).
Naas nuujinta waxa ay soconaysaa iyadoo ay cunto la socoto wixi ka dambeeya
6bilood ilaa 2 sano jir.
Naas nuujinta carruurta ee gaarka ah waxaa la siinayaa ilmaha 6 ilaa 14 jeer
maalinti. Ilmaha kol dhaw dhashay waxa uu isticmaali karaa 30 ilaa 90ml, kaddib
4ta todobaad ee ugu horreysa waxa uu isticmaali karaa ilaa 120ml.
Sidaa awgeed marka naaska la nuujinayo ilmaha waxaa hooyada looga baahanyahay
inaaney ka joojin ilaa ay ka dareento in naaskeeda aanu caano ku jirin, waayo
nafaqada ugu badan iyo difaaca jirka waxa ay la socdaan qeybaha dhexe iyo dambe
ee caanaha.
Ma jirtaa xaalado hooyadu aaney naaska nuujin karin ilmaheeda?
Naas nuujinta oo ah fal dabiiciya oo Eebbe ku uumay aadanaha, way yartahay inay
dhacdo xaalad aanaey hooyadu nuujin karin ilmaha ay dhashay. Culeysyo fara
badan ayaa si fudud waxaa loogu xallin karaa adeeg wanaagga caafimaad ee
isbitaalka hooyadu ku umuleyso, umuliso tababaran, dhaqaatiir iyo shaqaale
caafimaad oo feejigan iyo latalin wanaagsan oo naas nuujinta ah.
Waxaa jira xaalado aan caafimaad ahaan hooyada loo oggolayn inay ilmaha
nuujiso, sida hooyada qabta HIV iyo tan ku summowday wasakhda deegaanka sida
curiyaha lead oo kale. Waxaa kaloo jira xaalado dhif ah oo aaney caano ka
imaanayn naaska hooyada, sababtoo ah hormuunka caanaha dhaliya ee prolactin la
yiraahdo oo yar ama aan la soo saarin awgeed, xaaladdan waxaa keena cudur loo
yaqaan Sheehan's syndrome, oo ka dhasha cadaadiska dhiigga oo si kedis ah hoos
ugu dhaca waqtiga dhalmada sababtoo ah dhiigbax culus.
Dhammaad......
Waxaa Diyaariyay Qormadan:
Guddiga baraarujinta Hooyada ee Isbitaalka Baxnaano
vice and informative
ReplyDeletebest gynecologist in dubai