Qeybta 1aad:
Seddex qarni ka hor ayaa hay'adaha Caafimaadka iyo kuwa Daryeelka hooyada ee
reer galbeedka waxa ay billaabeen inay u dardaarmaan hooyooyinka inay
carruurtooda naaska nuujiyaan 6da bilood ee ugu horreysa noloshooda, balse
muddo kaddib ayay siyaadiyeen oo ay ka dhigeen hal sano, sanado kaddibna waxay
ka dhigeen 2 sano oo kaamil ah.
Arrintan ayaa timid kaddib markii tobannaan
sano ay wadeen cilmi baarisyo ku baxday tobannaan milyan oo dollar, waxayna
ogaadeen in naas nuujinta ay waqtigaas iyo lacagtaas faraha badani ku baxday uu
aad ufaah faahiyay quraanka kariimka ah 14 qarni ka hor.
Ilaah sw waxa uu quraankiisa ku leeyahay:
(( والوالـدات يُرضِعن أولادهن حَولين كاملـين لمـن أراد أن يُتّم الرضـاعــة
Suurat Albaqarah, aayadda 233aad.
Aayaddan waxa ay tilmaamaysaa dhowr arrimood oo muhiim ah, waxa ayna
kala yihiin:-
1. Ahamiyadda in hooyada naaskeeda nuujiso ilmaheeda yar, cuntana ay unoqdaan
caanaha naaskeeda, maya caana xoolaad.
2. in naas nuujintu ku buuxsameyso 2 sano, si ilmuhu u helaan faa'iidooyinkeeda
xag caafimaad iyo xag sharciyadeedba.
Ereyga naas nuujin iyo kuwa laga soo dhiraandhiriyay waxa uu ku soo arooray
quraanka kariimka ah 11 jeer.
Sheekh ibnu kasiir (ibn kathir) waxa uu ka yiri aayaddaas: tani waa hanuunin uu
alle ku hanuuninayo hooyooyinka inay carruurtooda u dhammaystiraan naas
nuujinta, waana laba sano, wixi intaa dhaafsiisanna looma ictibaarinayo naas
nuujin, sidaa awgeed ayuu yiri:[ أن يتم الرضـاعــة
لمـن أراد ] oo micnaheedu yahay; qofki doonaya inuu naas nuujinta
dhammeystiro.
Qataadah ibnu dacaamah waxa uu yiri: naas nuujinta waxa ay noqon lahayd waajib
haddii uunan ilaah raacin lahayn aayadda qeybteeda dabe ee micnaheed yahay
qofki doonaya inuu naas nuujinta dhammeystiro. Ururka Caafimaadka adduunka WHO iyo sanduuqa badbaadada carruurta UNICEF waxa
ay sheegeen in hal malyan iyo bar carruur ah ay sanad kasta dunida ugu dhintaan
hooyada oo aan naaskeeda nuujin darteed, inteeda badana ay ka dhalato
carruurta oo la siiyo caanaha gasacadeysan (caanaha lo'da) laguna siiyo
basaasadda oo ay adagtahay in si fiican loo nadiifiyo. Iyadoo tiro dhan 9
milyan oo kalene ay nafaqo darro soo food saarto sababtoo ah caanaha oo si aad
ah loo barxo, taasoo horseedda inay carruurta ku dhacaan cudurro badan oo
dhimasho keena.
Siyaasadda naas nuujinta ee akaademiyada mareykanka ee caafimaadka carruurta
American Academy of Pediatrics (AAP), waxa ay leedahay:'' dib udhig
miisaamidda, qiyaasaha (dhererka iwm), u meyridda iyo irbadeynta ilaa uu ilmaha
ka dhammeysto naas nuugidda kowaad''.
Carol Huotari oo la taliye ka ah kooxda Le Leche League International ee dhiiri
galisa naas nuujinta ayaa tiri: suurta gal ma aha in caanaha la warshadeeyay ay
udhigmaan caanaha naaska hooyada, xataa haddii ay sharikaadka caanaha sameeya
isku taxalujiyaan inay usoo dhaweeyaan kuwa hooyada, waxa ayna kala sinnaan
karin faa'iidooyinka nafsadeed, jaceyl iyo isbedellada hormuun iyo dhisme ee ka
dhasha nuujinta dabiiciga ah. Sida ay caddeeyeen cilmibaarisyo la
sameeyayna caanaha hooyda waa cuntada ugu faa'iidada badan ilmaha xataa naaska
hooyo kale.
Hey'adda WHO warbixinteedi sanadkan ay kaga hadleysay caafimaadka dunida (Wolrd health statistics 2014) waxay ku xustay in hooyooyinka soomaaliyeed ee nuujiya carruurta naaska oo qura 6da bilood ee noloshooda uGu horreeya ay gaareyso 9%, taasoo ah nasiib darro aad u daran.
Bahnano Diagnostic Center
Blogger team
No comments:
Post a Comment