Qeybta 4aad:
Miisaanka u kordhaya carruurta naaska nuugta:-
Ilmaha naaska la nuujiyo
caadiyan waxaa u kordha miisaan, waxaana ku soo koobayaa sidan:-
0–4 bilood: 170 garaam todobaadkiiba
4–6 bilood: 113–142 garaam todobaadkiiba
6–12 bilood: 57–113 garaam todobaadkiiba
Celcelis ahaan carruurta naaska la nuujiyo miisaankoodu wuu laba jibbaarmaa
marka ay gaaraan 5-6 bilood. Marka ay sanad gaaraane waxa uu gaaraa 2.5 jibbaar
miisaanki ay ku dhasheen. Muuqaal ahaan carruurta naaska la nuujiyo marka ay
sanad gaaraan way ka dhisma qurxanyihiin kuwa caanaha la siiyo.
Naas nuujinta gaarka ah:-
Naasnuujinta gaarka ah waxaa loola jeedaa in ilmuhu nuugo caanaha naaska oo
qura iyadoo loo raacin waxyaabo kale (sida biyo, casiir, caano kale oo aan
naaska ahayn, iyo cunto nooc kasta oo ay ahaataba 6da bilood ee ugu horreysa
noloshooda).
Naas nuujinta waxa ay soconaysaa iyadoo ay cunto la socoto wixi ka dambeeya
6bilood ilaa 2 sano jir.
Naas nuujinta carruurta ee gaarka ah waxaa la siinayaa ilmaha 6 ilaa 14 jeer
maalinti. Ilmaha kol dhaw dhashay waxa uu isticmaali karaa 30 ilaa 90ml, kaddib
4ta todobaad ee ugu horreysa waxa uu isticmaali karaa ilaa 120ml.
Sidaa awgeed marka naaska la nuujinayo ilmaha waxaa hooyada looga baahanyahay
inaaney ka joojin ilaa ay ka dareento in naaskeeda aanu caano ku jirin, waayo
nafaqada ugu badan iyo difaaca jirka waxa ay la socdaan qeybaha dhexe iyo dambe
ee caanaha.
Ma jirtaa xaalado hooyadu aaney naaska nuujin karin ilmaheeda?
Naas nuujinta oo ah fal dabiiciya oo Eebbe ku uumay aadanaha, way yartahay inay
dhacdo xaalad aanaey hooyadu nuujin karin ilmaha ay dhashay. Culeysyo fara
badan ayaa si fudud waxaa loogu xallin karaa adeeg wanaagga caafimaad ee
isbitaalka hooyadu ku umuleyso, umuliso tababaran, dhaqaatiir iyo shaqaale
caafimaad oo feejigan iyo latalin wanaagsan oo naas nuujinta ah.
Waxaa jira xaalado aan caafimaad ahaan hooyada loo oggolayn inay ilmaha
nuujiso, sida hooyada qabta HIV iyo tan ku summowday wasakhda deegaanka sida
curiyaha lead oo kale. Waxaa kaloo jira xaalado dhif ah oo aaney caano ka
imaanayn naaska hooyada, sababtoo ah hormuunka caanaha dhaliya ee prolactin la
yiraahdo oo yar ama aan la soo saarin awgeed, xaaladdan waxaa keena cudur loo
yaqaan Sheehan's syndrome, oo ka dhasha cadaadiska dhiigga oo si kedis ah hoos
ugu dhaca waqtiga dhalmada sababtoo ah dhiigbax culus.
Dhammaad......
Waxaa Diyaariyay Qormadan:
Guddiga baraarujinta Hooyada ee Isbitaalka Baxnaano
Isbitaalka Baxnaano
Providing high quality medical services including, internal medicine, pediatrics, Gyne/Obs and all kinds of laboratory diagnosis and emergency services. The Hospital has in patient and Out patient departments, Radiology services, and Home visit services
Monday, December 22, 2014
Thursday, November 13, 2014
Muhiimadda Naas Nuujinta
Qeybta 3aad:
Caanaha hooyda iyo caanaha warshadeysan ama xoolaha
Caanaha naaska waxaa ku jira in ku dhow 1000 walxood oo dhammaantood faa'iido u leh ilmaha yar, marka la barbardhigo caanaha xoolaha ama warshadeysan oo aaney ku jirin marka laga reebo walxo yar.
Borotiinnada iyo amayno aasidhka:-
Caanaha hooyada waxaa ku jira borotiinnada uu aad ugu baahanyahay ilmuhu, halka kuwa lo'da ay ku jiraan borotiinno aan shaqo ku lahayn iyo kuwo xasaasiyad ku keena ilmaha. Intaa waxaa sii dheer, borotiinnada ku jira caanaha hooyada waa kuwo uu si fudud u shiidi karo dheefshiidka ilamah yar inkayar 15 daqiiqo, halka kuwa caanaha lo'da ay yihiin kuwo aaney shiidi karin dheefshiidka carruurta, una baahan inkabadan saacad, taasoo fursad siinaysa in qaarkood ay gaaraan mindhicirrada ka hor inta aan la shiidin, isla markaana sababa xasaasiyad ku beeranta ilmaha yar.
Caanaha hooyada waxaa ku yar amayno aasidhka la yiraahdo phenyl alanine, halka caanaha lo'dana ay qani ka yihiin amayno aasidhkaas, sidaa daraadeed waxaa jira cudur dhaxal ah oo la yiraahdo phenylketonuria, carruurta qabta xanuunkan waxa ay waxyeelo daran kala soo gudboonaataa caanaha lo'da, maadaama amayno aasidhkan uu ku badanyahay, balse wax dhib ah kalama kulmaan marka naaska la nuujiyo.
Sidoo kale caanaha naaska waxaa ku jira xaddi badan oo cysteine:methionine kana badan inta ku jirta caanaha lo'da. Maskaxda ilmaha yarna waxaa ku yar insaymka la yiraahdo cystathionase oo methionine ubedela cysteine, waana maaddada (cysteine) muhiimka u ah korriinshaha maskaxda carruurta, ahna isha ugu weyn ee laga helo taurine.
Sokorta:-
Xaddiga Sokorta caanaha ee lactose la yiraahdo kuna jirta caanaha hooyada waa 7%, halka caanaha lo'da ay ku jiraan 4.7%. Lactose ka waxa uu ka koobanyahay (glucose + glactose), sidaa awgeedna xaddiga sokorta lactose ee aadka ugu sareeya caanaha naaska waxa ay lagama maarmaan uyihiin sameysanka iyo korriinshaha maskaxda carruurta, gaar ahaan bilaha ugu horreeya noloshooda. Dhanka kale caanaha naaska hooyada waxa ay qani ka yihiin Sokorta nooca silsiladdiisa gaabantahay ee loo yaqaan oligosaccharides oo lagama maarmaan u ah korriinshaha maskaxda ilmaha mar dhaw dhashay, halka inta badan caanaha la warshadeeyay aaney lahayn sokortaas.
Aasidh dufaneedka (fatty acids):-
Kolistaroolka waxa uu ka mid yahay dufanaha muhiimka u ah korriinshaha maskaxda, sameynta nudaha Dareen wadka iyo dheecaanka xameetiga ku jira. Caanaha warshadaysan waxaa ku jira xaddi dhan 1-2 mg/100cm2, halka naaska hooyada ay ku jiraan xaddi dhan 7-47mg/100cm2.
Caanaha naaska hooyada waa isha ugu weyn ee laga helo dufanaha arachidonic acid (AA) iyo docosahexaenoic acid (DHA), labada sano ee ugu horreeya, waayo jirka carruurta ma soo saari karo labadan maado ee muhiimka u ah korriinshaha maskaxdooda.
Macdanta iyo Faytamiinnada:-
Caanaha hooyada waxaa ku jira Macdanta uu ubaahanyahay ilmaha, xaddi munaasib ah oo dheeli tiran, jirkooduna si fudud ushiidi karo. Halka caanaha lo'da ay ku jiraan xaddi fara badan oo faa'iido lahayn, dhib iyo daalna ku keena kilyaha ilmaha yar.
Caanaha naaska waxaa ku jira Macdanta la yiraahdo bir ama (iron) xaddi dhan 1mg/litre, waana xaddi si dhammeystiran unuugi karo jirka ilmaha, halka caanaha lo'da ay ku jiraan xaddi dhan 12mg/litre. Badnaashahaasna waxay keentaa waxyeello jirka gaarta.Caanaha naaska waxaa ku jirta maaddo la yiraahdo lactoferrin oo fududeysa in jirku nuugo birta 50-70%, taasoo ka dhigta ilmaha naaska hooyada nuuga kuwa ay yartahay inay ku dhacdo dhiigyarida. Intaa waxaa sii dheer, caanaha naaska waxaa ku jira in kabadan 15 curiye, insaymyo iyo faytamiinis badan iyo in kabadan 15 hormuun.
Ka hortagga bakteeriyada iyo jeermis dhaliyaasha:-
Caanaha naaska waxaa ku jira xaddi fara badan oo ah lysozyme, oo muhiim u ah ka hortaga bakteeriyda cudurrada dhalisa ee dheefshiidka, waxaana ku jira xaddi 30 jeer ka badan inta ku jirta caanaha lo'da, waxaa kale oo caanaha naaska ku jira bakteeriyada faa'iidada leh ee la yiraahdo Lactobacillaceae oo ka hortagta inay ku badato dhefshiidka bakteeriyada nooca loo yaqaan (gram +ve) xaddi kabadan 10 jeer inta ku jirta caanaha lo'da.
Mugga qanjidhka loo yaqaan thymus galand ee carruurta naaska hooyada la nuujiyo waxa uu dhanyahay labalaabka kuwa aan naaska la nuujin. Qanjidhkan waa mid dowr weyn ka cayaara difaaca jirka.
La soco Qeybta 4aad
Bahnano Diagnostic Center
Blogger team

Tuesday, November 4, 2014
Muhiimadda Naas Nuujinta
Qeybta 2aad:
Faa'iidooyinka caanaha hooyadu uleeyihiin carruurta
1.Korriinshaha garaadka:-
Daraasad lagu sameeyay dalka Mareykanka ayaa muujinaysa in xiriir adag ka dhexeeyo garaadka ilmaha/ kartidiisa wax garasho iyo Muddada uu naaska hooyadiis nuugayay. Carruurta nuugayay naaska 18 bilood iyo ka badan waxa ay dhigeen iskoor 6-8 dhibcood ka sareeya kuwa la siiyay caanaha la warshadeeyay marki laga qaaday cabbirka garaadka ee loo yaqaan IQ.
Waxaa kale oo jira daraasado taageeraya arrintan oo lagu sameeyay dalalka Denmark, New Zealand iyo UK.
2.Difaaca jirka:-
Caanaha naaska hooyada waxay uga soocanyihiin kuwa xoolaha iyo kuwa la warshadeeyayba inay yihiin daawo iyo cunto. Dambarka oo ah caanaha ugu horreeya ee ka yimaada naaska hooyada, socdana 3da maalmood ee ugu horreeya ilaa usbuuca kowaad waxa ay muhiim uyihiin nolosha ilmaha iyo difaaciisa ka hortaga cudurrada, waxaa ku jira walxaha difaaca ee looyaqaan globulins gaar ahaan (IgA, IgG), oo lagama maarmaan u ah ka hortagga noocyada bakteeriyada, qaar ka mid ah fayrasyada sida kan keena sinyarada ama dabeesha ee loo yaqaan (polio), kan keena jadeecada iyo kan keena qaaman bararka (qaamow qashiir) ama (mumps), waxaa kale oo ay ka hortagaan xanuunnada ku dhaca sanka, dhegaha, hunguriga iyo dheefshiidka.
Waxaa kale oo intaa sii dheer caanaha hooyada waxaa ku jira borotiinnada difaaca jirka ee loo yaqaan interferon lana dagaalama fayrasyada, laaktoferrin iyo laysosaym, qaar ka mid ah walxaha loo yaqaan complements iyo tiro fara badan oo ah unugyada cad cad ee dhiigga. Hal qaaddo (mulqacad yar) oo caanaha hooyada ah waxaa ku jira ilaa 3 milyan oo unugyada difaaca jirka ah, halka caanaha la warshadeeyay aaney ku jirin wax unugyada iyo borotiinnada difaaca jirka ah.
Waxaa intaa sii dheer, in carruurta aan naaska la nuujin ee la siiyo caanaha caadiga ah ama kuwa la warshadeeyay ay aad uliidato la qabsigooda tallaalka carruurta, kana hooseyso kuwa naaska la nuujiyo ilaa 500 jeer.
3. Infekshinada:-
Unugyada difaaca jirka waxa ay ka hortagaan noocyo fara badan oo bakteeriya ah sida: Cholera vibrio oo sababta daacuunka, E. coli, Shigella, Salmonella, iyo qaar ka mid ah fayrasyada sida: Coxaki-B viruses, Herpes simplex iyo Polio virus.
Cudurrada kale ee ku badan carruurta aan naaska hooyadood la nuujin waxaa ka mid ah; cudurrada neef mareenka iyo Kuwa dheef shiidka sida shubanka.
4. Buurnaashaha:-
Daraasaduhu waxa ay muujinayaan in buurnaashaha ay ku badantahay carruurta aan la nuujin naaska hooyada ee la siiyo caanaha lo'da ama kuwa la warshadeeyay, kuwa naaska la nuujiyo waqti dheerna ay ku yartahay buurnaashaha.
Naas nuujinta waxa ay hoos udhigtaa buurnaashaha xad dhaafka ah ee carruurta da'doodu udhexeyso 39 ilaa 42 bilood, habka ka hortaga buurnaanta ee naas nuujintana waxa uu sii kordhaa markasta oo uu sii dheeraado waqtiga naas nuujinta.
5. Cudurrada xasaasiyada ama cuncunka:-
Daraasadaha waxay caddaynayaan in carruurta la siiyo caanaha lo'da ama kuwa la warshadeeyay ay ku badantahay xasaasiyada noocyadeeda kala duwan, Tusaale ahaan; xasaasiyada dheefshiidka 50-60%, neef mareenka 30%, cuncunka maqaarka 70%, taana waxaa ugu wacan borotiinada ku jira caanaha lo'da oo aaney xamili karin carruurta dhaliyana tiro badan oo xasaasiyada ah.
6. Kaadi macaan:-
Naas nuujinta dabiiciga ah (gaarka ah) waxa ay ka hortagtaa kaadi macaanka (nooca 1aad) ee caadiyan ku dhaca carruurta da'da yar, waxa ayna hoos udhigtaa xaddi dhan 25- 50%, sababtuna waxa weeyaan borotiinnada ku jira caanaha lo'da waxa ay dhiiri geliyaan difaaca jirka inuu weeraro ganaca isla markaana bur buriyo.
Waxaa kale oo la ogaaday in naas nuujinta qeyb ahaan ka hortagto Kaadi macaanka nooca 2aad, sababtoo ah raadka ay ku leedahay Buurnaashaha carruurta.
7. Cudurro kale:-
Naas nuujinta caadiga ah waxa ay ka hortagtaa cudurro kale oo aan ahayn kuwa kor ku qoran, sida cudurka loo yaqaan (celiac disease), shubanka, lafa jileec, maskax garaadka, kansarrada qaar, xanuunnada kaadi mareenka iyo kuwo kale.
8. Dareenka nafsiyadeed ee ilmaha yar:-
Daraasaduhu waxa ay caddeeyeen in naas nuujinta dabiiciga ah iyo laab ku qabashada ilmaha ay door weyn ka cayaarto korriinshahooda iyo kalsoonida nafsadeed, saameynna ku yeelato dhaqanka ilmaha mustaqbalka. Waxaa kale oo ay daraasadu isla xariirisay falalka dambiyadeed ee dhalinyaranimada iyo naas nuujin la'aanta carruurta.
La soco Qeybta 3aad

Thursday, October 16, 2014
Muhiimadda Naas Nuujinta
Qeybta 1aad:
Seddex qarni ka hor ayaa hay'adaha Caafimaadka iyo kuwa Daryeelka hooyada ee reer galbeedka waxa ay billaabeen inay u dardaarmaan hooyooyinka inay carruurtooda naaska nuujiyaan 6da bilood ee ugu horreysa noloshooda, balse muddo kaddib ayay siyaadiyeen oo ay ka dhigeen hal sano, sanado kaddibna waxay ka dhigeen 2 sano oo kaamil ah.
Arrintan ayaa timid kaddib markii tobannaan sano ay wadeen cilmi baarisyo ku baxday tobannaan milyan oo dollar, waxayna ogaadeen in naas nuujinta ay waqtigaas iyo lacagtaas faraha badani ku baxday uu aad ufaah faahiyay quraanka kariimka ah 14 qarni ka hor.
Ilaah sw waxa uu quraankiisa ku leeyahay:
(( والوالـدات يُرضِعن أولادهن حَولين كاملـين لمـن أراد أن يُتّم الرضـاعــة
Suurat Albaqarah, aayadda 233aad.
Aayaddan waxa ay tilmaamaysaa dhowr arrimood oo muhiim ah, waxa ayna kala yihiin:-
1. Ahamiyadda in hooyada naaskeeda nuujiso ilmaheeda yar, cuntana ay unoqdaan caanaha naaskeeda, maya caana xoolaad.
2. in naas nuujintu ku buuxsameyso 2 sano, si ilmuhu u helaan faa'iidooyinkeeda xag caafimaad iyo xag sharciyadeedba.
Ereyga naas nuujin iyo kuwa laga soo dhiraandhiriyay waxa uu ku soo arooray quraanka kariimka ah 11 jeer.
Sheekh ibnu kasiir (ibn kathir) waxa uu ka yiri aayaddaas: tani waa hanuunin uu alle ku hanuuninayo hooyooyinka inay carruurtooda u dhammaystiraan naas nuujinta, waana laba sano, wixi intaa dhaafsiisanna looma ictibaarinayo naas nuujin, sidaa awgeed ayuu yiri:[ أن يتم الرضـاعــة لمـن أراد ] oo micnaheedu yahay; qofki doonaya inuu naas nuujinta dhammeystiro.
Qataadah ibnu dacaamah waxa uu yiri: naas nuujinta waxa ay noqon lahayd waajib haddii uunan ilaah raacin lahayn aayadda qeybteeda dabe ee micnaheed yahay qofki doonaya inuu naas nuujinta dhammeystiro. Ururka Caafimaadka adduunka WHO iyo sanduuqa badbaadada carruurta UNICEF waxa ay sheegeen in hal malyan iyo bar carruur ah ay sanad kasta dunida ugu dhintaan hooyada oo aan naaskeeda nuujin darteed, inteeda badana ay ka dhalato carruurta oo la siiyo caanaha gasacadeysan (caanaha lo'da) laguna siiyo basaasadda oo ay adagtahay in si fiican loo nadiifiyo. Iyadoo tiro dhan 9 milyan oo kalene ay nafaqo darro soo food saarto sababtoo ah caanaha oo si aad ah loo barxo, taasoo horseedda inay carruurta ku dhacaan cudurro badan oo dhimasho keena.
Siyaasadda naas nuujinta ee akaademiyada mareykanka ee caafimaadka carruurta American Academy of Pediatrics (AAP), waxa ay leedahay:'' dib udhig miisaamidda, qiyaasaha (dhererka iwm), u meyridda iyo irbadeynta ilaa uu ilmaha ka dhammeysto naas nuugidda kowaad''.
Carol Huotari oo la taliye ka ah kooxda Le Leche League International ee dhiiri galisa naas nuujinta ayaa tiri: suurta gal ma aha in caanaha la warshadeeyay ay udhigmaan caanaha naaska hooyada, xataa haddii ay sharikaadka caanaha sameeya isku taxalujiyaan inay usoo dhaweeyaan kuwa hooyada, waxa ayna kala sinnaan karin faa'iidooyinka nafsadeed, jaceyl iyo isbedellada hormuun iyo dhisme ee ka dhasha nuujinta dabiiciga ah. Sida ay caddeeyeen cilmibaarisyo la sameeyayna caanaha hooyda waa cuntada ugu faa'iidada badan ilmaha xataa naaska hooyo kale.
Hey'adda WHO warbixinteedi sanadkan ay kaga hadleysay caafimaadka dunida (Wolrd health statistics 2014) waxay ku xustay in hooyooyinka soomaaliyeed ee nuujiya carruurta naaska oo qura 6da bilood ee noloshooda uGu horreeya ay gaareyso 9%, taasoo ah nasiib darro aad u daran.

Wednesday, October 15, 2014
THE BEST AND THE WORST SLEEP POSITION FOR THE ORGANS
* for the brain
- The best sleep position for brain :
The blood
carries the oxygen to the brain, which is vital to the brain function. The
brain needs good circulation of blood all the time to function properly. The
best position, which ensures optimum blood circulation to the brain, is lying
on the back with the head on a pillow. The pillow should be thick enough to
provide at least 10 degrees and at the most 30 degrees elevation to the head.
- The worst sleep position for brain :
Lying on the stomach with the face downwards on the pillow is the worst sleeping position for the brain. This position is detrimental to the communication of several parts of the body with the brain.
* for the heart

- The best sleep positions for heart :
Lying on the back is fine for the heart. Other than that, sleeping on the right side is also considered very healthy for the heart. These two positions give the heart the required room and it does not have to put in any extra effort to function properly.
- The worst sleep positions for heart :
Sleeping on the left side and sleeping on the stomach are the worst positions for the heart. Both of these positions not only compress the space the heart needs but also put a lot of pressure on the heart to keep on pumping the blood efficiently. In some cultures, it is a rampant idea that sleeping in these postures burdens the heart and one might experience bad dreams. My personal experience confirms it.
* Sleep positions for the lungs
- The best sleep positions for lungs :
The best sleeping position for the lungs is to sleep on the right side. Lying on the back with elevated head is also a healthy position for the lungs.
- The worst sleep positions for lungs :
Sleeping on the left side is the worst for the lungs as it puts too much pressure on them. In the same way, sleeping on the stomach is also not good for the lungs.
* Sleep positions for the liver and the intestines
- The best sleep positions for liver and intestines :
Sleeping on the back and sleeping on the right side are the best sleeping positions for the liver. It keeps any compression or pressure at bay from the liver and the intestines.
- The worst sleep positions for liver and intestines :
Lying on the stomach and sleeping on the left side are considered the worst positions for the liver. These positions restrict and compress the liver and intestines. This lack of space and restrictions can lead to liver, intestine and stomach problem in the long run. However, if one cannot help sleeping on the stomach, he/she should at least start putting a pillow under the tummy before sleeping.
Posted form: medicine.com Lying on the back is fine for the heart. Other than that, sleeping on the right side is also considered very healthy for the heart. These two positions give the heart the required room and it does not have to put in any extra effort to function properly.
- The worst sleep positions for heart :
Sleeping on the left side and sleeping on the stomach are the worst positions for the heart. Both of these positions not only compress the space the heart needs but also put a lot of pressure on the heart to keep on pumping the blood efficiently. In some cultures, it is a rampant idea that sleeping in these postures burdens the heart and one might experience bad dreams. My personal experience confirms it.
* Sleep positions for the lungs
- The best sleep positions for lungs :
The best sleeping position for the lungs is to sleep on the right side. Lying on the back with elevated head is also a healthy position for the lungs.
- The worst sleep positions for lungs :
Sleeping on the left side is the worst for the lungs as it puts too much pressure on them. In the same way, sleeping on the stomach is also not good for the lungs.
* Sleep positions for the liver and the intestines
- The best sleep positions for liver and intestines :
Sleeping on the back and sleeping on the right side are the best sleeping positions for the liver. It keeps any compression or pressure at bay from the liver and the intestines.
- The worst sleep positions for liver and intestines :
Lying on the stomach and sleeping on the left side are considered the worst positions for the liver. These positions restrict and compress the liver and intestines. This lack of space and restrictions can lead to liver, intestine and stomach problem in the long run. However, if one cannot help sleeping on the stomach, he/she should at least start putting a pillow under the tummy before sleeping.
Tuesday, September 30, 2014
10 Cunto oo aad isticmaali karto maalin kasta si aad u hesho maqaar caafimaad qaba
Weli ma isku dayday inaad isticmaasho waxyaabo loo adeegsado qurxinta
maqaarkaada oo misna kharash badan aad ku bixisay? Iminka waa waqtigi ugu
fiicnaa oo aad joojin laheyd waxyaabahaas aan waxtarka laheyn waxyeello mooyee,
aadna bilaabi laheyd cunto aad qaadaneyso maqaarkaadana siinaya qurux iyo
fayaabi.
1. Barbarooniga guduudan: waxaa la isticmaala isagoo karsan iyo isagoon karsaneyn
labadaba, waxa uuna sitaa in ka badan 100% baahidaada maalmeed ee fatamiin C.
Sidoo kale waxaa ku jira xaddi badan oo fiber ka cuntada ku jira iyo fatamiinB6.
Sidoo kale waxa uu qani ku yahay maadada carotinoid oo ka hortagta maqaarka
inuu duuduub sameeyo isla markaana siyaadiyo wareegga dhiigga uu maqaarka ku
imaanayo, taasoo dhalineysa in maqaarku u yeesho muuqaal dhalinyaronimo.
Carotinoid ka ku jira awgii, barbarooniga cas waxa uu la dagaalamaa finanka
wejiga ka so baxa ee loo yaqaan fin barbaarka. Barbarooniga cas waxaa ku jira
fiber qofka cunaa uu dareemayo dhereg muddo isagoo helaya kaloris yar.
2. Shukulatada madow: shukulaatada madow waxa ay qani ka tahay antioxidants
iyo fatty acids oo xoojiya korriinshaha maqaarka. Antioxidants ka ku jira
shukulaatada madow waxa uu hoos u dhigaa qalleylka maqaarka kana hortagaa inay
waxyeeleyso qorraxda. Sidoo kale cocoa oo inta badan lagu daro shukulaatada
waxa uu dabciyaa xididada dhiigga isla markaana siyaadiyaa wareegga dhiigga
taasoo keeneysa maqaar fayaaw. Haddaba haddii aad iibsaneyso shukulaatada madow
iibso mid ay ku jirto cocoa ugu yaraan 80%
si aad uga fogaato kuwa lagu daro caanaha iyo sokorta.
3. Kalluunka Salmon: waa cunto aad ugu fiican la dagaallanka welwelka,
cabsida, isku buuqa iyo walaahowga, waxa uuna jirkaada siinayaa inta badan baahida
fatamiin D. Sidoo kale waxa uu ka hortagaa kansarka mindhicirrada waaweyn ku
dhaca, cudurrada wadnaha iyo lafaha. Salmon waxaa ka buuxa dufanka nooca loo
yaqaan Omega-3 oo aad ugu fiican la dagaallanka maqaarka duuduubma (miinta),
fin barbaarka iyo xanuunka maqaarka. Cunitaanka salmon waxa uu madaxaada ka
dhigayaa mid nafaqeysan waxa uuna xoojiyaa fayaabida timaha.
4. Saliid qumbaha: waxa ay ka mid tahay ilaha ugu qanisan ee laga heli karo saliidaha nooca
saturated oils loo yaqaan. Waxaa ku jira Lauric acid oo la dagaalama
bakteeriyada iyo feyruusaadkaba. Sidoo kale saliid qumbaha waxa uu qani ka
yahay fatty acids ka asaasiga ah iyo fatamiin E, kuwaasoo si heer sare ah uga
dhiga maqaarka mid jilcan oo aan duuduub laheyn. Intaa waxaa dheer waxay aad
ugu fiicantahay qanjirka thyroid ka la dhaho ee dhuunta ku yaal, isla markaana
waxa ay caawineysaa hoos udhigidda miisaanka.
5. Shaaha cagaaran: waxa uu leeyahay antioxidants iyo amino acid loo yaqaan L-theanine oo dabciya jirka islamarkaana yareeya welwelka.
Marka uu kululyahay shaaha waxa uu sii daayaa catechins oo ah nooc ka mid ah
antioxidants kaasoo la caddeeyay inuu ka hortago kansarka. Sidoo kale shaaha
cagaaran waxa uu yareeyaa halista in qofka dhiig kar ku dhaco.
6. Koostada: waxa ay leedahay nafaqo badan oo aad ubaahantahay
maalin kasta, waxa ayna ufiicantahay caafimaadka. Waxaa laga yaabaa inaadan
jecleyn laakiin waa il muhiim ah oo laga helo feero, folic acid, fatamiin E,
Magnesium, fatamiin A, fiber, protein iyo fatamiin C. Awoodda antioxidants ka
ku jira awgood fatamiin C, E iyo A waxa ay si gaar ah u anfacayaan maqaarkaada.
Koostada waxaa ku jira antioxidants la dagaallama dhammaan noocyada kala duwan
ee waxyeellada maqaarka ku dhaca. Markaad cunto koosto waxaad nadiifineysaa
maqaarkaada adigoo kasoo bilaabaya gudaha.
7. Miraha: waxaa ka mid ah miraha qaraha,
gabbaldayaha, bocorka, barbarooniga iwm dhammaantood waxa ay aad u anfacayaan
maqaarkaada. Gabbaldayaha mirahiisa waxaa ku jira selenium, fatamiin E,
magnesium iyo protien. Selenium iyo protien ka waxa ay ka hortagayaan maqaarka
inuu laablaab sameeyo ama miin yeesho. Fatamiin E waxa uu ka hortagaa in
maqaarku qallalo, halka magnesium ka uu hoos u dhigo stress ka. Miraha kale
sida flax, chia iyo hemp seeds waxaa ku jira omega-3, waxayna la dagaalamaan
miinta iyo fin barbaarka, waxa ayna qani ku yihiin proteins..
8. Saladada ama
ansalaatada: inteena
badan waxba uma aragno saladada, balse waxaa ku jira fatamiin K. Sidoo kale
waxa ay ka koobantahay macdanta uu ka mid yahay sodium, potassium iyo biyo,
waxayna ka hortagtaa inuu jirku qallalo. Isku day inaad saladada isticmaasho
maalin kasta ama ugu yaraan maalin dhaaf, haddii aad ka baqeyso calories,
saladadu aad bay ugu yartahay calories ka.
9. Babaay: waa qudaar cajiib ah, waxa uu leeyahay
faa’iidooyin nafaqeed oo aad u badan. Waxaa aad ugu yar calories (39 calories
100 ki garaamba) mana lahan wax kolistarool ah. Sidaa awgeed haddaad dooneyso
inaad miisaanka dhinto babaayga cun maalin kasta. Sidoo kale waxaa ku yar
sokorta nooca fructose la yiraahdo, waxa uuna aad ugu fiicanyahay dheefshiidka.
Antioxidants laga helo waxaa ka mid ah: fatamiin C iyo E, beta-carotene.
10. Karooto: karootada faa’iidadeeda kuma koobna uun
indhaha, balse sidoo kale maqaarkana waxbay u tartaa. Waxay si gaar ah ugu
fiicantahay in maqaarku iska nadiifiyo burburka iyo unugyada dhintay, waxa ay
leedahay fatamiin A waxa ayna ka hortagtaa in unugyo siyaado ah ka sameysmaan
dabaqadda sare ee maqaarka. Faa’iidada kale waxaa ka mid ah fatamiin A waxa uu
yareeyaa unugyada kansarka.
Cuntooyinkan
dhan ma cuni kartid maalin kasta, lkn qaar ka mid ah isku day inaad
isticmaasho. Isku day inaad ka fogaato cuntooyinka aan dheeli tirneyn, sokorta
badan, dufanka miiran ah ama waxyaabaha warshadaha lagu sameeyo si aad u hesho jir
fayaw iyo maqaar caafimaad qabo.
Bahnano Diagnostic Center
Sunday, September 28, 2014
Maxaad ka taqaanaa cudurka Ebola?
Ebola waxa uu ka mid yahay koox cudurro ah oo la isku yiraahdo viral hemorrhagic fevers, waa xanuunno aad u daran oo sida magacooda ka muuqato waa xanuun keena qandho iyo dhiigbax. Ebola waa dilaa ku dhaca aadanaha iyo noolayaasha kale sida daanyeerrada.
Ebola waxaa keena jeermiska feyruuska qolada Filoviridae la yiraahdo, waxa uuna kaga sii abtirsada nooca loo yaqaan Ebolavirus. Marka uu xanuunku dhaco waxa uu ku billowdaa calaamado kedis ku yimaada.
Marki ugu horreysay feyruuskan waxaa laga helay dalka manta loo yaqaan DRC (Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Kongo) 1976 meel ku dhow webiga Ebola. Wixi markaa ka dambeeyane dhowr jeer ayuu saf mar ahaan u dillaacay.
Jeermiska Ebolavirus waxaa ilaa haatan la yaqaanaa shan nooc oo afar ka mid ahi dhalin karto cudur aadanaha ku dhaca, waxa ayna kala yihiin: Ebola virus (Zaire ebolavirus); Sudan virus (Sudan ebolavirus); Taï Forest virus (Taï Forest ebolavirus, oo horay loogu yaqaanay Côte d’Ivoire ebolavirus); iyo Bundibugyo virus (Bundibugyo ebolavirus). Nooca shanaad oo aan aadanaha cudur ku keenin waxaa lagu magacaabaa Reston virus (Reston ebolavirus) waxa uuna ku dhacaa xayawaannada aan aadanaha aheyn.
Noolaha dugga u ah asal ahaan ebolavirus lama garanayo ilaa haatan. Balse caddeymo la hayo iyo dabeecadda feyruusyada la midka ah awgood ayaa cilmibaarayaashu waxa ay rumeysanyihiin in feyruuskani ka mid yahay kuwa loo yaqaan zoonotic (xayawaannada kayimmada), iyadoo fiidmeerta (kibilli) ay tahay halka ugu badan ee hoyga u ah feyruuska. Afar ka mid ah shanta nooc ee ebolavirus waxa ay ku dhacaan xayawaanno laga helo afrika.
Nooca kale Reston virus waxaa lagu arkay daanyeerro loo dhoofiyay mareykanka iyo taliyaaniga lagana keenay dalka filibiines. Shaqaale dhowr ah oo ka shaqeynayay goobaha lagu hayay daanyeerradaas ee filibiines iyo mareykanka ayaa jirkooda laga helay feyruuska balse ma aaney jirranin.
Safmarkan iminka dillaacay waxa uu saameyn weyn ku yeeshay seddex dal oo galbeedka afrika ku yaal oo kala ah: Leybeeriya, Geni iyo Siiraalyoon, iyadoo iminka uu ku faafayo dalal kale oo deris la ah sida Neyjeeriya
Calaamadaha ebolavirus:
1. Qandho
2. Madax xanuun
3. Murqo iyo kalagoysyo xanuun
4. Tabar darri
5. Shuban
6. Matag
7. Calool xanuun
8. Rabitaanka cuntada oo yaraata
9. Dhiigbax aan caadi aheyn
Calaamado kale: dadka qaar waxaa laga yaabaa in lagu arko calaamado dheeri ah sida: ciir jirka ka soo baxo, indhaha oo casaada, hingo ama hiqlo, qufac, feera xanuun, naqaska oo ku xirma, laqmada oo culeys ku yimaado
Habka isugudbinta ebolavirus:
Waxaa la isugu gudbin karaa in jirkaada ay soo gaaraan dareerayaasha ama dheecaannada ka imaanaya jirka qofka qaba xanuunkan sida; dhiiggiisa iyo dareere kasta oo jirkiisa ka soo baxa, ama wax ay gaareen dareerayaashaas sida irbadaha iwm.
Sidaa awgeed ebola virus waxaa la isugu gubinkaraa: galmada, dhiddka, dhareerka, dheecaannada ama dareerayaashajirka ka yimaada oo dhan, shaqaalaha caafimaadka waxa ay halis ugu jiraan cudurkan haddii aaney qaadanin qalabka difaaca loogu talagalay (personal protective equipment), si gaar ah kuwa ka shaqeynaya sheybaarrada ee ku dhexjira dhiigagga, dheecaannada iyo haraaga jirka aadanaha ee ay baaritaannada ku hayaan kana timid dadka qaba xanuunkan.
Ebola kuma gudbo hawada (sida hargabka), biyaha iyo cunnada, sidoo kale qofka ma gudbinayo ilaa calaamadaha cudurka lagu arko.
Habka loo maareeyo dadka uu ku dhaco cudurkan:
Ilaa hadda ma jirto dawo lagu daweeyo ebolavirus ama tallaal lagaga hortagi karo oo la aqoonsanyahay, waxaase jira dawooyin cusub oo aan aadanaha lagu tijaabin islamarkaana aan rukhsad ka helin ururka caafimaadka adduunka kuwaasoo iminka lagu tijaabinayo dhowr qof oo cudurkan lagu arkay oo ay ka mid yihiin dhakhaatiir. Balse si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan waxa ugu muhiimsan waa in la karaantiilo qof kasta oo laga helo calaamadaha cudurkan.
Maxaa looga baahanyahay isbitaallada haddii ay arkaan qof ay ka shakiyaan?
Si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan dilaaga ah, shaqaalaha caafimaadka waxaa looga baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah haddii ay arkaan qof lagaga shakisanyahay ebolavirus:
1. Qof qaba qandho heer kulkeedu ka sareeyo 38.6 degrees Celsius ama 101.5 degrees Fahrenheit, iyo calaamadaha kale ee kor ku xusnaa. Iyo
2. In qofkani la kulmay halista cudurka wax dhalin kara 3 di usbuuc ee ugu dambeysay, sida:
a. Inuu xiriir la sameeyay dhiig ama dareere ka yimid jirka qof qabay cudurkan ama lagaga shakisnaa,
b. Inuu deggenaa ama u safray goob uu ka dillaacay cudurkan
c. Inuu xanaanneeyo fiidmeerta, daanyeerta iyo xayawaanno kale oo hooy u noqon kara jeermiska ebolavirus oo laga keenay goobaha uu cudurkan ku faafayo.
Haddii shaqaalaha caafimaadka arkaan bukaan qaba ama lagaga shakiyay ebolavirus waxaa looga baahanyahay inay raacaan talooyinka soo socda:
1. Bukaanka karaantiil: bukaanka waxaa la gelinayaa qol keligiis ah oo leh suuli ugaara oo aney cidi la isticmaaleyn, albaabkiisana wuu xirnaanayaa.
2. Xirashada qalabka difaaca: shaqaalaha caafimaadka ee bukaankaas siinaya adeegga caafimaad waa inuu xirtaa: gloves, dharka qoyaanka iska celiya ama aanu ka gudbi Karin, muraayadaha indhaha difaaca ama koofida wadata muraayadda wejiga daboosha, iyo mask. Qalab difaac oo dheeri ah (gloves laba jibbaar ah, kabaha oo lagu xirto dabool hal mar la isticmaalo iyo lugaha oo la qariyo) ayaa loo baahan karaa duruufo gooniya, sida marka ay dhulka amadegaanka ka jiraan matag badan, saxaro, dhiig badan iwm.
3. Booqashada ka jooji: bukaanka qolkiisa waxaa laga xayirayaa booqashada ama in loo galo, marka laga reebo dadka uu aadka ugu baahanyahay, iyadoo la marinayo wixi taxaddar uu ubaahanyahay, sidoo kale buug ayaa lagu qorayaa qof kasta oo galay qolka bukaanka, waxaana la barayaa calaamadaha lagu arko, si mar walbo looga feejignaado inuu cudurka faafo.
4. Ilaalinta nadaafadda: xakameynta cudurkan waxaa qeyb weyn ka qaadan kara xoojinta ilaalinta nadaafadda iyo taxaddarka qalabka iyo magaadda laga shakisanyahay inay gaareen wasakhda, sida; dhiig, dhidid, matag, saxaro, kaadi, iyo dareere kasta oo bukaanka ka yimaada ama lagaga shakin karo inuu gaaray iyadoo la raacayo xeerka nadaafadda isbitaallada.
Waxaa diyaariyay: Dr. C/qaadir Insi, MD
Posted from: www.dr-insi.blogspot.com
Subscribe to:
Posts (Atom)